Home Afsomali Rag maamulka Galmudug u gudbisay Xakuumada faradaalka oo Maxkada Ciidamadu xukun ku...

Rag maamulka Galmudug u gudbisay Xakuumada faradaalka oo Maxkada Ciidamadu xukun ku riday

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukuno adag oo xabsi ah ku riday labo nin oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen Al Shbaaab, kuwaa oo la qabtay iyaga oo waday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Labadan nin ee Maxkamada la horkeenay waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Nabad sugida Galmudug xili ay marayeen Deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, waxa ayna ragan la wadeen gaari Caasi ah ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa .

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay maxkamada xukun 10 sano oo xabsi ciidan ah ku riday labadan nin uu sheegay in ay ku cadaatay dambigii lagu soo eedeeyay.

“Maxamed Cali Kadiye ina Nuuro Wehliye 32-jir ah ku dhashay Galgaduud Xuseen Xaashi C/laahi ina Maryan Max’ed 27-jir ah ku dhashay Galgaduud, kuwaas oo xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeeysay Dembiga ah ka mid noqosho Urur hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) kadib markii ay ka mid noqdeen Ururka Al-Shabaab,islamarkaana ay ciidamada amnigu ka soo qabteen Deegaanka Godinlabe Tr. 19/03/2017, iyagoo gaari Hoomey ah ku wado labo jiirigaan iyo jawaano laga soo buuxiyay Walxaha Qarxo iyo 12-taleefano oo lagu soo xiray fiyuusyadii loo adeegsan lahaa qaraxyada, kuwaas oo ay ugu tala galeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka deggan Degmada Cadaado , Dembigaas oo ku Xusan Aayadaha 33, 45aad Suuratul Maa,iidah iyo Qod.221 XCS oo lala Aqriyo Qod.1aad XCCQS.”” Ayuu yiri Shuute.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida dowlada Soomaaliya ayaa cadeeyay in ragan ay racfaan ka qaadan karaan xukunka xabsiga ah ee lagu riday hadii aysan ku qanacsaneyn .

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.