Home Afsomali Raiisal wasaaraha oo ispitaalada ku Booqday dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii Muqdisho ka...

Raiisal wasaaraha oo ispitaalada ku Booqday dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa  xalay Isbitaaladda Muqdisho ku Booqday dadkii ku dhawacmay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha oo bukaannada ku booqday Isbitaallada Digfeer iyo Madiina ayaa maamulka Cusbitaallada ka waraystay xogta dhaawacyada, sidoo kalana mid mid u dul tegay dhaawacyada, waxa uuna u rajeeyay in dhaqsa boqsoodaan.

Wasiirka ku-xigeenka gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka, xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xassan, oo ra’iisul wasaaraha ku wehliyay booqasahda bukaannada ayaa sheegay in dawladdu ka guulaysanayso kooxaha Rabshadaha ka wada dalka, habeen iyo maalinna xukuumaddu u taagantahay soo afjaridooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.