Home Afsomali Raiisal wasaare Kheyre oo Dad ku caweynayey waddooyinka maagaladda Xogwareysi la...

Raiisal wasaare Kheyre oo Dad ku caweynayey waddooyinka maagaladda Xogwareysi la yeesheeshay iyaga iyo su.aalo ay weydiiyeen ( DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kormeer ku sameeyey Waddooyinka oo uu maamulka Gobolka Banaadir  ka wado Howlaha Nadafadeed, wuxuuna qaybo ka mid ah meelihii uu booqday kula soo qaatay kulamo xog wareysi ah  Qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda, si uu u qiimeeyo isla markaana indhahiisa ugu arko  sida ay u socdaan howlaha dardar galinta bilicda iyo nadaafada Caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre   kormeerkaan uu ku tagey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen   in ay socdaan  howlo lagu  xoojinayo   nadaafadda iyo bilicda caasimadda oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso  si loo helo Caasimad  bilic iyo amni leh.

Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukumadda, Aadan Isaaq Cali oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa  xusay in dowladda  muhiimada weyn siinayso  Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo kormeerkiisa ku guda jira ayaa  kulamo is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu  la qaatay dadkii ku caweynayey  waddooyinka maagaladda , kuwaasi oo isugujira dhalinyaro,ganacsato iyo dadka degan.

Dadkiii uu kula kulmay waddooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya waydiinayey Su’aalo ka turjumayey  dowladnimada iyo dal jaceylka,islamarkaana ku bogaadiyey in mar kasta ay noqdaan kuwa u taagan ilaalinta dowladnimada. Tani waxay dhalinyarada Soomaaliyeed u  horseedaysaa in ay helaan mustaqbal wanaagsan oo ay kula tartamaan   dadka asaagooda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.