Home Afsomali Raiisal Wasaare Xamse oo Madaxweynaha Kenya kala hadlay la dagaalanka Alshabaab

Raiisal Wasaare Xamse oo Madaxweynaha Kenya kala hadlay la dagaalanka Alshabaab

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dara Salaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagula jiro  Alshabaab , oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac.

Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay Soomaaliya U tababarto 1000 kun macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya.

Dhinaca kale ‘Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalay Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan Waxa uu kala wada hadlay xoojinta xiriirka qotoda dheer  iyo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka codsaday in dowladda Tanzania ay codkeeda ku taageerto Soomaaliya oo u tartameysa ka mid noqoshada Xubnaha aan Joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 – 2026.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Tanzaniya  dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada Tanzania in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, si xukunnadooda inta ka harsan ugu dhameystaan Soomaaliya, taasi oo mabdi’iyan ay aqbashay, isla markaana farsamo ahaan si wadajir ah looga shaqeeyo.

Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa Madaxweyne Saamiya uga mahadceliyay inay dowladda Soomaaliya ay siisay dhul loogu talagalay safaaradda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.