Home Afsomali Raiisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada...

Raiisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Nairbi ee dalka kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada dawladood.

Safiirka Dalka Kenya Maxamuud ahmed Nuur Tarzan ayaa warbaahinta u faahfaahiyeyy ujeedka safarka iyo waqtiga uu qaadan doono

Raiisal  wasaaraha ayaa lagu wadaa in uu u sii gudbo Dalya ingriiska si uu halkaasi uga qeybgaalo shir caalami ah oo soomaaliya dhaqaale loogu yaboohayo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.