Home Afsomali Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeybgalay salaad roob doon ah...

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeybgalay salaad roob doon ah oo ka dhacday Muqdisho masaajidka Isbaheysiga Islaamka ( DAAWO SAWIRADA )

Iyadoo uu horay u iclaamiyay madaxweynaha dalka Salaad Roob doon ah maalinta Taladaada oo maanta ku beegan, ayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu shacabka kula tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka Salaad Roob doon iyo duco ah, in Abaarta alle ka dulqaado umadda.

Ra’iisal Wasaaraha oo shacabka la hadlay salaada kadib, ayaa ugu baaqay shacabka inay is cafiyaan, si wada jir ahna alle u baryaan in abaarta alle ka dulqaado shacabka, isaga oo u duceeyay dadka ay abaartu ku dhufatay, isaga oo alle ka baryay inuu roob iyo barwaaqo ugu badalo abaarta.

Qaar ka mid ah wadaadada waaweyn ee dalka oo iyaguna shacabka la hadlay ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaali ah ay waajib ku tahay inuu ka qeyb qaato taakuleynta dadkaasi abaarta u le’anaya, waxayna si gaar ah uga codsadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay kaalin muuqata ka qaataan gargaarka loo fidinayo shacabkaasi.

6Z0A6854
6Z0A6710
6Z0A6721
6Z0A6738
6Z0A6929

—-DHAMMAAD—-

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.