Home Afsomali Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo si rasmi ah xilkii ugala wareegay...

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo si rasmi ah xilkii ugala wareegay ccc sharma arke (DAAWO SAWIRADA)

Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa xilka kula kala wareegay Ra’iisal Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisal Wasaaraha xilka ka degay Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, waxaana goob joog ka ahaa xubnaha golaha Wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub.

Ra’iisal Wasaarihii hore mudane Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, kula taliyay Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo in howsha ugu muhiimsani ay tahay in loo baahan yahay dhameystirka iyo baahinta nidaamka maamul ee dowlad goboleedyada, lana gaarsiiyo min tuulo illaa heer degmo, taasoo ayuu yiri sahli doonta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Ra’iisal Wasaare Cumar iyo golihiisa wasiirada, sida wanaagsan ay u soo shaqeeyeen, iyo habsamida maanta ee xil wareejinta.

“Waxaan u mahadcelinayaa si gaar ah walaalkeey Cumar Cabdirashiid, waxaana leeyahay dalku kaama maarmo wixii talo iyo tusaalahaaga ahna waan qadarinayaa, waana inaad howsha qaranka sii wadaa adiga oo xil haya iyo adiga oon xil heyn” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xusay inuu soo dhisi doono xukuumad, inta ka horeysana ay howsha sii wadi doonaan golaha wasiirada.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay abaaraha baahsan ee dalka ka jira, waxa uuna ugu baaqay qof kasta oo Soomaali ah inuu gacan ka geysto samatabixinta dadkaasi abaaruhu aafeeyeen, isaga oo carabka ku adkeeyey inuu muhiimada koowaad ay u tahay kaalmeynta dadkaasi.

IMG 6597
IMG 6610
IMG 6618
IMG 6629
IMG 6703

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.