Home Afsomali VIDEO Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo culumada kala hadlay dagaalka alshabaab...

VIDEO Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo culumada kala hadlay dagaalka alshabaab iyo arimaha xajka

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay culima’udiinka Soomaaliyeed kala hadashay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagula jiro  Al-shabaab oo todobaadyadii ugu danbeeyay xoojiyay weerarrada ka dhanka ah xarumaha dowladda.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kulan uu la qaatay qaar ka mid culimada Soomaaliyeed kala hadlay in ay qeybtooda ka qaataan ka hortaga aminiga iyo sida ugu fudud ee xajka lagu tagi karo .

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culima’udiinka Soomaaliyeed qeyb-na ka ahaa kulanka ayaa warbaahinta u sheegay in leys dhaafsaday xog la xiriirta amaanka dalka iyo sidii ay culimi’mada Soomaaliyeed kaalintooda u qaadan lahaayeen, isaga oo dhinaca kalana sheegay in ay dowladda siiyeen tallooyin muhiim ah oo u baahan in la raaco.

“Waxaan yeelanay kulan muhiim ah, Ra’iisul Wasaaraha tallooyinkii aan u gudbinay wuxuu inoo sheegay in wax laga qabanayo, wuuna naga qanciyay, dowladdu waxay heysaa shaqo badan, annagana wixii karaankeena ah waan ku biirin doonaa” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Waa tallabaadii ugu horeysay oo dowladdu qaato si culima’udiinka kaalin mug leh looga siiyo howlaha lagu sugayo amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.