Home Afsomali Raiisalwasaaraha oo tagay wasaaradaha arimaha dibada ‘qorsheynta iyo caafimaadka (DAAWO SAWIRADA)

Raiisalwasaaraha oo tagay wasaaradaha arimaha dibada ‘qorsheynta iyo caafimaadka (DAAWO SAWIRADA)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sidoo kale ay dagan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorshaynta. Wuxuna u guur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaaradahaasi ka socda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaradaha inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Ugu danbayn, Xasan Cali Kheyre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda iyo shacab keeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan masuuliyada gaara.

—-DHAMMAAD—-

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.