Home Afsomali Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo farriin u diray dalalka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo farriin u diray dalalka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu “farriin nabadeed iyo rajo ah” ka sido Israa’iil, taasi oo ku wajahan Sacuudiga inta uu ku guda jiro booqashadiisa la filayo inuu ku tago Bariga Dhexe.

Waxaa la qorsheeyay in Biden uu booqdo Sucuudiga, Israel iyo Daanta Galbeed ee ay haysato Israa’iil inta u dhaxaysa 13 ilaa 16 Luulyo.

Hadalka Lapid ayaa yimid saacado kaddib markii Biden uu difaacay inuu beddelo mowqifkiisa Sacuudiga oo uu doonayo inuu marmarsiiyo u helo booqashadiisa, oo muran ka dhalisay Mareykanka.

Lapid, ayaa hadallo uu jeediyay intii lagu guda jiray shirkii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada Israa’iil, wuxuu u jeediyay waddamada kale ee Carabta inay xiriir la sameystaan Israa’iil “iyadoo loo eegayo mustaqbalka carruurteenna.”

Biden waxa uu ku difaacay maqaal uu ku daabacay wargeyska Washington Post, safarkiisa uu Sacuudiga ku tagayo.

Warbaahinta Israa’iil ayaa la-yaab ku tilmaamtay in mas’uul ka tirsan Israa’iil uu madaxweyne Biden u raaci doono safarka uu ku tagayo Sucuudiga, halkaas oo uu madaxweynuhu kula kulmi doono madaxda Carabta, isagoo dhinaca kale ka digay in isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka Israa’iil iyo Boqortooyada Sucuudigu aanu suurtagal ahayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.