Home Afsomali Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo beeniyey in wax...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo beeniyey in wax khilaaf ah u dhaxeeya Xukuumadda iyo Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu khilaaf u dhaxeeyo Baarlamaanka iyo Xukuumadda, isagoo xusay in wararkaas ay baahiyeen shaqsiyaad dano leh.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlayay kulan uu shalay kula qaatay magaalada Kismaayo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa sheegay in wada shaqeyn wanaagsan u dhaxeyso Hey’addaha dowladda.

“Ma jiro wax khilaaf ah oo u dhaxeeya hey’addaha dowladda, waxaa joognaa waqtigii ugu wanaagsanaa ee wada shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalmo ka hor kulan la qaatay Guddiyada joogtada Baarlamaanka, iyadoo su’aalo laga weydiiyay xiisada ka dhalatay hadalkii Sheekh Nuur Baaruud iyo howlo kicin bulsho oo ay wado Xukuumaddiisa, isagoo arrimahaas ku tilmaamay kuwo aanay Xukuumadda wax lug ah ku laheyn.

Kalfadhiga labaad ee golaha shacabka oo Sabtidii la soo dhaafay furmay ayaa lagu wadaa in kulamada ugu soo horeeyay ee ay yeelan doonaan uu noqdo mid Baarlamaanka uu kula xisaabtamo Xukuumadda, taasoo dad badan ay shaki ka muujinayaan in laga keeno mooshin ka dhan ah Xukuumadda Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.