Home Afsomali Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo diyaarad ku tagay Xerada ciidanka...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo diyaarad ku tagay Xerada ciidanka xooga bali doogle iyo saldhig Ciidamada Mareykanka ee deegaanka wanlaweyn

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah saldhig Ciidamada Mareykanka ku tababaraan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab.

Socdaalka RW khayre ee ku tagay Garoonka Balli-doogle oo ahaa garoon Milateri ayaa hada waxaa xero ciidan oo ay qeybna kaga sugan yihiin Ciidamada AMISOM, Ciidamo Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidan Mareykan ah oo aan tiradooda la

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka  ayaa booqday Xarunta tababorka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tobobaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle. Wuxuuna xariga ka jaray  qayb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee xaruntan cusub wuxuuna boggaadiyay sida quruxda badan ee loo dhisay iyohabka loo qalabeeyay. Isagoona u mahed celiyay dhammaan dadkii ka shaqeeyay howshan wanaagsan oo ay ugu horayso dawladda Maraynkanka oo hirgilsay dhismaha xaruntan lagu tabobari doono ciidanka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad u jeediyay qaar ka mid ah ciidanka ayaa yiri ” Dhismaha xarunta cusub  waxaa ka muuqata soo noqshada iyo dib u qaabaynta ciidmadda xooga dalka Soomaaliyeed, cid walba oo shaki ka qabtay in ay soo laabanayso  qaranimadii soomaaliya tan ayaa ugu filin.
“Si dawladnimo loo xoojiyo  waa in la helaa dhalinyarro Soomaaliyeed oo ogolaata in dhiigooda iyo naftoodaba ay u huraan dalkooda, waana mida aad maanta halkan u joogtaan, si aad u difaacdaan dhulkiina ka dibna aad ka shaqeysaan sidii ay carruutiinu u heli lahaa yeen muqtaqabla wanaagsan.

isagoo sanadkii hore sidan u booqday, waxaa kormeerka maanta ku wehliyay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Xasan Cali, Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka iyo Mas’uuliyiin kale.

Sikastaba ha ahaate Waziirka iyo Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidamada ayaa kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan difaaca dalka dowlada Mareykanka ayaa dhowaan ballaarin ku sameeyay garoonka Balli-doogle oo ah meel istiraatiiji ah, waxaa u qeybsan yahay dhowr qeybood oo isugu jira qeybo diyaaradaha ka soo degaan iyo qeybo kale waxaana la diyaarinayaa Dagaal ka dhan ah Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.