Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Maaliyadda Iyo Dhaqaalaha Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Maaliyadda Iyo Dhaqaalaha Talyaaniga

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha dowladda Talyaaniga, Roberto Gualtieri.

Shirka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Roberto Gualtieri ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo sii wadidda taageerada Talyaaniga ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha Talyaaniga ayaa ku celiyay in dowladda Talyaaniga oo xariir qota dheer oo soo jireen ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya ay ka go’antahay in dowladda ka taageerto dib-u-dhiska dalka, gaar ahaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo cafinta deymaha dalka lagu leeyahay.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa shir doceeydo uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo mas’uuliyiinta ka qayb geleysa shirka sannadlaha ah ee Bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka.

EHKz7LtW4AIvd3y
EHKz7L2X0AEnV9E
EHKz7LpXUAAxoMj

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.