Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Khayre oo Muqdisho casho Sharaf u sameeyay Wasiirka Difaaca Turkiga...

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Muqdisho casho Sharaf u sameeyay Wasiirka Difaaca Turkiga iyo Wafdi uu Hoggaaminaya

Raii’sul wasaaraha xukuumadda federaalka Sooomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kulan Casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey wafdigii ka socday Dalka Turkiga, ee uu hoggaaminayay wasiirka Difaaca Dalkaasi, Ulusi Akar oo booqasho ku yimid Muqdisho

Ujeedka kulanka casho sharafta ah  ayaa ahayd muujinta sida Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda ay ugu faraxsanyihiin xiriirka walaaltinimo iyo Garab istaagga kala dhexeeya Turkiga.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya,iyadoo lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysa wadaniyada iyo Dowrka Turkiga uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya,iyadoo kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalku Heesahahooda ku qaadayeen luuqadda Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Turkiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda soo dhaweynta ballaaran ee ay u sameeyeen,isagoo muujiyay in Dowladda Turkigu ay ka go’antahay sidii ay u sii xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Tarjumaadda Hadalka Wasiirka difaaca Turkiga 

 

Waxa aan nahay dal walaala ah, saaxiibba ah, waxa aan  diyaar u nahay in aan qaybsanno waxa aan haysanno, waan guulaysanaynaa si wada jir ah Insha Allah. Waxa aan sii wadaynaa oo ilaalaynaa xariirkeenna. Sidoo kale waxa Turkigu ilaalinayaa Midanimadiinna. Aniga oo ku hadlaya magaca wufuudda aan hoggaaminayo, waxa aan idinkaga mahad celinayaa marti soorka adn noo samayseen”.

 

Waxa aan idiin rajaynaa adinka iyo dhammaan walaalaha Soomaaliyeed in ay ku nooolaataan amni, ha Jirto Soomaaliya, ha jiro Turkigu, ha jirto Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga. Mar kale waad mahadsantihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.