Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Soo Xiray Shirka Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Heer...

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Soo Xiray Shirka Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Gobaleed

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shirka agaasimayaasha guud ee wasaarahada heer federaalka iyo heer dowlad gobaleed oo Muqdisho ka socday intii u dhexeysay Aktoobar 22-26, 2019.

Shirka oo ahaa kii ugu horreeyay ee agaasimayaasha guud isugu yimaadaan ayaa dib loogu eegay guulihii ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah iyo caqabadihii lala kulmay intii lagu guda jiray dhaqan gelinta ajandayaasha iyo qorshe howleedka dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay agaasimayaasha guud shaqada ballaaran ee ay qabteen maalmihii ay u fadhiyeen shirka ay dib ugu eegayeen wixii qabsoomay, ugana tashanayeen qorshayaasha wasaaraha ee hor-tebinta leh, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda horumarinta qaranka.

Shirka ay yeesheen agaasimayaasha guud ayaa gogol xaar u noqonaya sare u qaadidda wadashaqeynta dhaw ee ka dhexeysa agaasimayaasha guud ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed oo qayb weyn ka qaadaneysa horumarinta adeegyada dowladdu u qabato shacabka Soomaaliyeed.

6
BG5I6659 copy
BG5I6625
3
8T5A1378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.