Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeybgalay Shirka IMF Iyo Bangiga Adduunka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeybgalay Shirka IMF Iyo Bangiga Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qayb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in dalka deynta laga cafiyo.

Ka qayb galayaasha shirkaan, oo ay soo qabanqaabisay dowladda Ingiriiska, ayaa isla qiray in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada, iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

IMF world bank 1
IMF world bank 2
IMF world bank 3
IMF world bank 4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.