Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kala hadlay Shariif Xaaladda Soomaaliya iyo sidookale sidii uu kaga qeyb qaadan lahaa dejinta Xiisaddaha kala duwan ee ay wajaheyso Xukuumadda Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa ka mid ah Shaqsiyaadka ah sameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu dhawaan dib ugu soo laabtay Soomaaliya
“Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo aan ka wada hadalnay arrimaha dalka”ayuu yiri Ra’iiul Wasaare Kheyre.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana tan iyo markii ay dhacday doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid deegaan ka dhiganayay Muqdisho, inkastoo dhowr jeer safaro uu dibadda ku aaday dib u soo laabtay.
Waxaa sidoo kale soo baxayay maalmihii lasoo dhaafay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay xil u magacowdo Sheekh Shariif.
Waxaa uu ka mid ahaa sidoo kale Musharaxiinta ugu sameynta badnaa doorashadii uu kusoo baxay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.