Home Afsomali Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Oo Furay Xafiiska Isku-duwidda Qorshaha Xalka Waara Ee...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Oo Furay Xafiiska Isku-duwidda Qorshaha Xalka Waara Ee Barakacayaasha

-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta furay xafiiska isku dubba ridka qorshaha xalka waara ee qaxootiga iyo barakacayaasha.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka war bixiyay u jeedada loo furayo xafiiska, waxaana munaasabadda furitaanka goob joog ka ahaa wasiirrada gargaarka, arrimaha gudaha, waxbarashada, howlaha guud, iyo haweenka iyo guddoomiyaha guddiga qaran ee qaxootiga iyo barakacayaasha.

Deeq bixiyaasha iyo saaxiibada caalamka ee dowladda Soomaaliya oo iyana shirka ka qayb galay, ayaa amaanay qorshayaasha dowladda ee xal u helidda iyo maareynta barakacayaasha.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kudbaddiisa furitaanka xafiiska ku caddeeyay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda barakacayaasha, si ay u helaan nolosha ay u baahanyihiin ayna uga qayb qaataan hagaajinta mustaqbalka dalka.

Xal u helidda barakacayaasha ayaa kamid ah halbeegyada ugu muhiimta Tubta Horumarinta arrimaha bulshada oo kamid ah afarta tub qaran ee shaqooyinka dowladda lagu saleeyay.

0S9A1255
0S9A1288
0S9A1341
0S9A1376

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.