Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka War-bixiyay Isbedelka Gobalka Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka War-bixiyay Isbedelka Gobalka Geeska Afrika

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo shir uga qayb galay dalka Jabuuri ayaa faahfaahin ka bixiyay is-dhexgalka iyo is-bedelka ballaaran ee gobalka geeska Afrika.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  ayaa sheegay in is-dhexgalku gobalku uu yahay is-dhex gal dhaqaale ee aysan jirin dawlado midoobaya iyo heshiisya ay madaxda gobalku saxiixdeen.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku baaqay in ay bulshada Soomaaliyeed laga daayo marin habaabinta, Tarjumaadda qaldan iyo ka been sheegidda is-bedelka gobalka geeska Afrika.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa  sheegay in is-dhexgalkani uu Soomaaliya dan wayn u yahay uuna u horseedayo xasilooni siyaasadeed iyo in meesha ay ka baxdo fara gelintii siyaasadeed ee ay wadamada derisku ku hayn jireen.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay aan la qari karin heshiisyo ay dawlada galeen, hadii ay jiraanna ay madaxda dawladaha kale soo ban-dhigi lahaayeen, war-murtiyeed kasoo baxay kulan ay madax yeesheenna aan loo fasiri karin heshiis.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhanka kale sheegay in dawladda Soomaaliya  ay soo wado nidaam doorasho oo hal qof iyo hal cod ah, xor ah, xalaal ah, waxa uuna ka codsaday in dawladda fursad loo siiyo in ay dadka Soomaaliyeed u adeegto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.