Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Salah Jama ayaa maanta xafiiskiisa shir kula...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Salah Jama ayaa maanta xafiiskiisa shir kula yeeshay xubno kamid ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Salah Jama ayaa maanta xafiiskiisa shir kula yeeshay xubno kamid ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda kaasi oo looga hadlaayey Isbadalka Cimilada Adduunka iyo saamaynta uu dalkeenna ku yeeshay.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa Wasiiradda ka dhagaystay warbixinno ku saabsan hawlaha Wasaarad walba ku leedahay Isbedelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka. Isagoo dhankiisa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan qaabkii Wasaarad walba uga qayb qaadan lahayd ilaalinta deegaanka oo shalay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu daahfuray mashruuca dhiraynta dalka oo loogu magac daray Soomaaliya cagaaran oo dalkoo dhan dhir lagu beerayo.
Waxaa shirka qayb ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Deegaanka, Kalluumasiga iyo Khayraadka Badda, Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
243
13 Shares
Like

Comment
Share

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.