Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira (...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ( DAAWO SAWIRADA )

 Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd.

Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka JC, isagoo ku soo wareejiyay qeynaha ay ka kooban tahay.

Dr. Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashoiyinka iyo dib- u heshiinta, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Soomaaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabtu ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay JC, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galay doorashada.

3EC3C86F-A8D1-4C4C-B541-415FC3E30443
CB04DA6F-F90E-4D58-8A36-DFE8EE6EA318
BA5EE539-E823-4BD1-925A-B66E3B14A3D4
CB04DA6F-F90E-4D58-8A36-DFE8EE6EA318
E4A319EA-8D0E-4849-A14A-A67A3EC873F7
3BC1CB86-31D0-4863-92C5-25340174EE1E
350B086D-15F2-43BE-8B93-AA11BC698F6C
9EF53AEA-E48D-47B0-ABAA-26ECF422549C
788DE58C-4356-455B-A6A9-D32CB9F545D6
43535032-D2FF-47E0-AF7E-9D9BF7F8669F
FE4D1CB8-9BFA-43CE-8E7F-62308AB019CF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.