Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Amniga

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Amniga

 Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga G/banaadir ayaa la wadaagay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda.

“Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.”

Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayey dhankooda sheegeen guddiga amniga in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku addan amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

017C46A9697C46A9706 copy01507013050402030121111

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.