Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ka wada Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ka wada Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulan kooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha , dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta ,iyo sida ay lagama maarmaan u tahay sidii dal-kugalka (Fiisooyinka) loogu fududeyn lahaa Soomaalida u safarta dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhiggiisa Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid uga mahadceliyay kaalinta Dowladdiisu ay ka geysatay gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay. Halka Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid sheegay in dowladdiisu kordhin doonto gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhinaca kale Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada ee Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Cabdullaahi Carab oo kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay kulamo doceedyo la qaadan doonaan Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyaga oo kala hadli doona Arrimo kusaabsan Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaan wax xiriir ah laheyn tan iyo Sanadkii 2018-kii, waxuuna dib u soo laabtay markii 7-dii  bishaan Janaayo uu dowladda Imaaraadka Carabta ka raali galiyay Ra’iisul Wasaaraha dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag ka timid Imaaraadka oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, isaga oo Imaaraadka u ballan-qaaday in lacagtaasi oo wali ku jirta gacanta dowladda Soomaaliya dib loogu celin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.