Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Xamsa oo QM kala hadlay arrimaha gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo QM kala hadlay arrimaha gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kooban saaka la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay iyo sidii Qaramada Midoobay u kordhin laheyd taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

 

 

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan abaaraha kajira dalka iyo sidii Qaramada midoobay uga qeyb qaadan laheyd gurmadka loo sameeynayo Shacabka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga  mahad celiyay Anita Kiki Gbeho taageerada Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya io doorka ay ku leedahay nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maalmihii la soo dhaafay waday kulamo gooni gooni ah oo uu la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka si ay uga eyb qaataan gurmadka loo sameeynayo dadka ay abarta ku saameeysay gudaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.