Ra’iisul Wasaare Xamse Hamza Abdi Barre “Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Hibaad Cali Dasar oo shihiiday iyaga oo kor yeelaaya sharafta ummadeenna iyo qiimaha diinteenna suuban, Waxay ii ahayd sharaf weyn inaan maanta ka qeybgalo munaasabad loogu duceynayay shuhadadaas odayaasha dhaqanka ahayd ee ku shihiiday dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta.
Runtii Waxay meel sare kaga qoran yihiin halganka jihaadka ah ee ummadeennu kula jirto khawaarijta oo muddo kooban gudahood aan dalka kaga xoreyn doono innaga oo kaa shanayna shacabkeenna sharafta leh.