Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Xamse oo gurmadka abaarha kala hadlay Safiirka Sweden

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gurmadka abaarha kala hadlay Safiirka Sweden

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Sweden iyo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Sweden ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya – iyadoo Mudane Lindgarde ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada Caalamiga ah iyo qorshooyinka dowladda mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xaaladda amniga iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ay saameysay abaarta.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiilada Beesha caalamka, isaga oo kala hadlayay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaarta ku saameysay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.