Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Sacuudiga

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaloya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay ka qeyb qaadataa gurmadka dadka ay Abaarta ku saameeysay Gudaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.