Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo kulan la qaatay Maamulka Gobolka Banaadir iyo...

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo kulan la qaatay Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha Haweenka DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa kulan Qado Sharafeed ah la qaatay Maamulka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xasan Jimcaale , Haween iyo Xildhibaanada Haweenka ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka. Waxana jeedka kulankani ahaa mid looga hadlayay wada shaqayn dhex marta Dawladda iyo Haweenka Soomaaliyeed, isla markaana looga xaajoonayay sidii wadajir looga qeyb noqon lahaa gurmadka Shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, isagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka. Wuxuuna ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dadaalka ay muujiyeen, waxana ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dadaallada la doonayo in lagu samata-bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu ku dhufteen.

Mr Kheyre, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii muhiimadda koowaad loo siin lahaa dadka u dhimanaya gaajada iyo biyo la’aanta isla markaana Xukuumadda uu soo dhiso doono ay ka shaqayn doonto u adeeggidda baahiyada gaarka ah ee shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee had iyo jeer soo noq-noqda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo qaar kamid ah Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha dadaalkiisa ku aadan in il gaar ah lagu eego xaaladda daran ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

6Z0A5196
6Z0A5200
6Z0A5227
6Z0A5237
6Z0A5336
6Z0A5308
6Z0A5247
6Z0A5308
6Z0A5539

—-DHAMMAAD—-

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.