Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo sheegay in Wasiirada Cusub hantidooda Xisaabin...

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo sheegay in Wasiirada Cusub hantidooda Xisaabin doono

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in tirakoob lagu sameyn doono hantida ay leeyihiin Wasiirada cusub, hadii ay tahay guurto iyo ma guurto, isagoo xusay in isla xisaabtanka uu ka bilaaban doono isaga iyo Madaxweyne Farmaajo

“Qofka Wasiirka ah waxaa uu buuxinayaa shax la xiriirta caddeynta hantidiisa guurtada iyo ma guurtada, Waxaa kaloo laga saxiixi doonaa qoraal ku wajahan mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaarad walba, waxaa kaloo uu saxiixi doonaa wasiirka ama wasiiradda waajibaadka qarinta xogta iyo sirta qaranka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasiirkii shaqadiisa ku fashilma ama la ogaado inuu sirta qaranka bixiyo ay shaqadooda waayi doonaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay sameyn doonaan nidaam isla xisaabtan shaqo cusub ah oo ah qaabka ay u shaqeynayaan Wasiirada, waxa laga rabo inay fuliyaan, isla markaana bil walba lagula xisaabtami doon, qofkii fulin waayana loo sheegi doono inuu waajibkiisa ka soo bixi waayay.

Nidaamkan cusub ee lagu xisaabinayo hantida uu leeyahay Wasiir kasta, ka hor inta aanu xilka la wareegin ayaa waxay noqoneysa tii u horeeyay oo muujineysa isla xisaabtan dhab ah, iyadoo la xusuusto in Xukuumadihii horay dalka u soo maray inuu la degay isla xisaabtan la’aan iyo musuq maasuq.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.