Home Afsomali Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK oo loo hanjabay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK oo loo hanjabay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK,  Boris Johnson ayaa shaaciyey inuu Madaxweynaha Raashiya, Vladimir Putin ugu hanjabay inuu dalkiisa u adeegsan karo Gantaal wax ka yar hal daqiiqo.

Wareysi uu siiyey Telefishinka BBC2 ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Putin isaga ku yiri: “Ma doonayo inaan ku dhaawaco,  balse Gabtaal igu qaadan karta Hal Daqiiqo”.

Boris Johnson waxa uu tilmaamay inuu Putin hadalkaasi ugu hanjabay Wada-sheekeysi caadi ah oo ay yeesheen bishii February ee sanadkii hore, xilli uu booqasho ku tegay Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, si uu Madaxda Ukraine ugu muujiyo fursadii ugu dambaysay ee Taageerada Reer Galbeedka ee cabsidii sii kordhaysay ee Duullankii Raashiya.

Boris Johnson oo taageere u ahaa Madaxweynaha Ukraine, Volodmyr Zelenskyy waxa uu bilowgii bishii February ee sanadkii hore ku tegay magaalladda Kyiv, si uu uga digo Zelenskyy in Duullaanka Raashiya Raashiya noqon karto.

Boris Johnson oo xilka RW si khasab ah kaga degay bishii September ee sanadkii hore ee 2022-kii waxa uu Wareysiga uu siiyey BBC2 ku xusay inuu dib u waxay Putin ugana digay in lagu soo rogi doono Cunaqabatayn Reer Galbeedka,  haddii uu Ciiddankiisa ku amro Qabsashada dalka Ukraine.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Putin yiri: “Waxaad sheegtay inaysan Ukraine si degdeg ah ugu biiri doonin Isbahaysiga NATO”.

Boris Johnson waxa uu tilmaamay inuu Putin ugu jawaabay inaysan Ukraine doonaynin inay ku biiraan NATO.

Si kastaba ha ahaatee, Telefishinka BBC2 oo ah Kanaal qeyb ka ah Warbaahinta BBC-da waxa uu baahin doonaa Wareysiyo Taxane ah ee Barnaamijkooda Khaaska ee The Putin vs The West Programme, iyadoo Wareysiga Boris Johnson la baahiyey, waxaana caawa oo  Isniin ah la baahin doono Wareysi uu Xoghayaha Difaaca ee UK, Ben Wallace kaga hadli doono Socdaalkii uu ku tegay Caasimadda dalka Raashiya ee Moscow bishii February ee sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.