Home Afsomali Raisal wasaare Kheyre oo sheegay in uu markasta si kedis ah ku...

Raisal wasaare Kheyre oo sheegay in uu markasta si kedis ah ku tagayo wasaaradaha dowlada (DAAWO SAWIRADA)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaraddaha, isaga oo kormeeray Hannaanka shaqo ee hay’addahaasi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa mid mid u galay xafiisyada Wasaaraddaha Warfaafinta, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Haweenka iyo xaquuqul insaanka, waxa uuna mid mid u wareystay agaasime waaxeedyada, waxa uuna ka wareystay horumarka iyo caqbadaha howlaha shaqada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda Haweenka, isaga oo ku kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda haweenka Samra Ibraahim Cumar iyo agaasimaha Guud ee Wasaarada xilli ay ku howlanaayeen howlaha Wasaarada.

“Sababta aan sida kediska ah idiinkugu soo booqday waxay tahay inaan hubiyo Hannaanka shaqada ee Wasaaradahan, waxaana si joogto ah booqasho ugu imaan doonaa dhamaan xarumaha Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee fulinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Intii uu ku guda jiray kormeerkan howleed, Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa tagay xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha, isaga oo xafiiskiisa ugu galay Wasiirka Warfaafinta Ing. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo xilligaasi ku jiray howlihiisa shaqo, waxaana uu si guud u kormeeray qeybaha kale ee xafiisyada Wasaaradda.

“Shaqaalaha Wasaaradaha waxaa laga rabaa inay kordhiyaan wax soo saarkooda iyo howlohooda shaqo, xukuumadeyduna waxay ku dadaaleysaa inay helaan xaquuqdooda iyo agabka shaqada si loogu sahlo Hannaanka shaqada.6Z0A71936Z0A71356Z0A71196Z0A71096Z0A70746Z0A7056

6Z0A7014

—-DHAMMAAD—-

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.