Home Afsomali Raisul Wasaare Rooble iyo Cumar Cabdirashiid oo kulan gaar ah ku yeeshay...

Raisul Wasaare Rooble iyo Cumar Cabdirashiid oo kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa howgiisa ku qaabilay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali oo Muqdisho dib ugu soo laabtay.

Rooble iyo Cumar Cabdirashiid uu wehliyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayey waxa ay kawada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Cumar Cabdirashiid in xukuumada ka shaqeeneyso sidii doorashada u noqon laheyd mid ku dhacda jawi xasiloon una qabsoonta si cadaalad ah oo raali laga wada yahay .

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Roobe dadaalkiisa ku aadan doorashoyinka, wuxuuna ugu baaqay in doorashooyinka noqdaan kuwo daahfuran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.