Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay ilaa shalay ku sugnaa magaalada Caabud-waaq ee G/Galgaduud ayaa maanta lagu wadaa inuu tago Magaalda Hobyo.
Safarka Madaxweynaha uu ku tagaayo Magaalada Hobyo, ayaa wuxuu la xiriira sida ilo lagu kalsoonyahay Ay Sheegayan dhagax dhigida dhismaha Dakadda magaalada Hobyo oo maamulka Galmudug ay si wayn u daneynayaan.
Wafdi Xildhibaano iyo Senetaro isugu jira ayaa gaaray shalay Magaalada Hobyo si ay halkaasi ugu sii diyaariyaan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa loo sameynaayo.
Safarka Madaxweynaha uu maanta ku tagayo Magaalada Hobyo, kadib ayuu Madaxweynaha wuxuu tagi doonaa Magaalada Cadaado, si loo qanciyo Bulshada degta Magaaladaasi oo tabasho qabta.
Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Hobyo ka dib la filayaa inuu gaaro magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii KMG ee maamulka Galmudug.