Home Afsomali Reer Jig jiga oo ka dhiidhiyey Masaajidyadii ay Amxaaradu gubeen

Reer Jig jiga oo ka dhiidhiyey Masaajidyadii ay Amxaaradu gubeen

Banaan bax looga soo horjeeday Masaajid ay gubeen Amxaarada Itoobiya ayaa  laga dhigay Jigjiga somalia

Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ka dhacay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday sadex masaajid oo dhawaan lagu gubay magaalo katirsan ismaamulka Amxaarada Itoobiya.

Dadka banaan baxa dhigayay oo u badnaa dhalinyaro ayaa si weyn uga careesnaa falka lagu gubay masaajida ku taalay magaalada Motta ee ismaamulka Amxaarada , waxa ayna dibad baxayaasha ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah amxaaradii falkaasi geesatay.

Banaan baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen ereyo ay ku muujinayaan in dadka muslimiinta ah meel kasta ay joogaan ay mid yihiin, waxa ayna ku dhawaaqayeen sidii ay diyaar ugu yihiin difaacida diinta Islaamka.

Magaalooyin kale oo katirsan dalka Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay banaan baxyo looga soo horjeeday falkii lagu gubay masaajida kuyaala ismaamulka Amxaarada dalka Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa horey u cambaareeyay falkii lagu gubay masaajida ku yaalay magaalada Motta, waxa uuna Abiy uga digay Shacabka Itoobiya in ay ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara isku dhac ku saleesan dhanka diimaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.