Home Afsomali Roob lagu diirsaday oo Muqdisho ku hoorey

Roob lagu diirsaday oo Muqdisho ku hoorey

waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo nawaaxigeeda ka Da’ay Roob ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

 

Dadka reer Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay, waxaana Roobka uu biyo dhigay qaar ka tirsan wadooyinka waa weyn.

Sidoo kale Wadooyinka qaar ayaa waxaa ka muuqda burbur xoogan oo uu u geystay Roobka, Baabuurta xitaa wadooyinka si dhib badan ayay ku isticmaalayaan.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay Roobka in uu geystay khasaare Hantiyadeed, balse ilaa hada waxaanan la ogeyn in uu jiro khasaare nafeed, maadaama Roobka uu ahaa mid xoogan, oo mudo saacad ah iyo wax ka badan socday.

Dadka qaar ee ku nool Duleedka Muqdisho oo la hadlay Risaala ayaa waxa ay sheegeen Roobkii xalay in uu saameyn weyn ku yeeshay, maadaama ay degan yihiin Guryo ka sameysan cowshado.
Waxa ay Dowladda Federaalka, Hay’adaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen in ay gar gaar dhan walba ah la soo gaaraan.

Roobkan oo ah midkii Deyrta ayaa shalay duhurkii ka bilawday gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, iyadoona Roobku xalay si rasmi ah uga curtay gobolada Hiiraan, Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.

Beeraleyda ayaa bilaabaya tacabka beeraha fasalka Deyrta halka xoola dhaqatada Soomaaliyeed ay ka faa’iidaysan doonaan daaqa cawska, maadaama Jiilaal daran uu waayahan ka jiray dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.