Dhisme qadiimi ah oo ku yaala Degmada Wadajir gaar ahaan Buula xuubey waxaa ku dhintay 9 caruura oo la sheegay in Gurigii ay ugu galeen daadadkii ka dhashay Biyaha Roobka.
Ehelada iyo dadka Deegaanka ayaa iisheegay in Gurmad ay sameeyeen Lagu soo badbaadiyay Qaar kale,
waxaana sababay dhimashada caruurtaan Biyaha Daadadka ah oo Gurigaan galay,sidoo kale Guriga ayaa la sheegayaa inuu Qeyb ka mid ah soo Dumay.
Xaafadaha Buula xuubey ayaa Mar kasta Go’doon gala xiliyada ay roobabka Da’aan waxaana Lagu guulaysan waayay dhowr jeer in Biyaha Buula xuubey xal Loo helo.
Waa dhacdo Murugo badan in Mar Qura ay wada geeriyoodaan 9 caruur ah oo qaarna ay umul yihiin.