Home Afsomali Roobab dabeylo wato oo ku dhuftay Xeebaha Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda iyo...

Roobab dabeylo wato oo ku dhuftay Xeebaha Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda iyo deegaanno ku dhaw dhaw

Deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay roobab mahiigaan dabeylo watay, kaasoo saababay daadad xooggan oo ku soo rogmaday qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee deegannada Puntland, taasi oo sababtay in uu hakad galo isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Sida wararku sheegayaan roobabkan ayaa ka da’ay Gobolka Bari, gaar ahaan deegaanada xeebaha dhaca, kaasoo saameyn ku yeeshan dadka deegaanka iyo kalluumeysatada oo hakiyay howlihii jilaabashadooda.

Ilo Wareedyo kala duwan, ayaa sheegaya in magaalada Garoowe xalay ilaa iyo hadda uu ka da’ayo roobab dabeylo wata.

Maamulka Gobolka Bari ayaa hakiyay isu socodka gaadiidka ee magaalada dekadda leh ee Boosaaso iyo deegaanada kale ee Puntland, waxaana lagu amray gaadiidka in aanay xilliyada habeenkii safri karin.

Daadadka ka dhashay roobabka ayaa la sheegay in illaa saddex gaari ah kula tagay duleedka Boosaaso, inkastoo laga badbaadiyay dadkii saarnaa gaadiidka.

Degaanada ay saameeyeen roobabka watay dabeylaha ayaa waxaa kamid ahaa Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda iyo deegaanno ku dhaw dhaw, waxaana ilaa hadda aan war laga haynin xaaladda deegaanadaas, maadaama ay go’een khadadkii taleefannada.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka digtay in laga fogaado xeebaha qaar maadaama ay ku soo fool leedahay roobab dabeylo wata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.