Home Afsomali Rooble oo wareegto ku magacaabay Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdulaahi...

Rooble oo wareegto ku magacaabay Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdulaahi Xayir Ducaale

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, isagoo mid cusub u magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa xilka Agaasimaha cusub Wasaaradda Warfaafinta loogu magacaabay inuu noqdo Cabdullaahi Maxamed Xayir oo horey u soo noqday Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga.

Agaasime Cabdullaahi Maxamed Xayir ayaa bedelaya Agaasimihii xilka qaadista lagu sameeyay Cabdinaasir Xuseen Xasan, waxaana Agaasimaha la faray inuu guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan soo saaray Go’aan uu xilalka magacaabista uga joojiyay Golihiisa Wasiirada ee Xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.