Home Afsomali Ruushka oo gantaalihii ugu badnaa u qeybiyey Magaaloyinka Ukraine

Ruushka oo gantaalihii ugu badnaa u qeybiyey Magaaloyinka Ukraine

In ka badan 80 gantaal ayaa ku dhacay dhismayaal la dego iyo kaabayaasha muhiimka ah ee ku baahsan Ukraine maanta oo Khamiis aheyd, kuwaasoo ay soo rideen ciidamada Ruushka waxayna duqeyntaas sababtay koronto la’aan soo wajahday boqolaal kun oo qof

Weerarkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee ka dhaca dalkaas seddexdii toddobaad ee la soo dhaafay

Madaxweynaha Volysmyr Zelnskyy wuxuu sheegay in weerarka yimid yahay isku day ay sameeysay Moscow si ay u cabsi geliyaan dadka reer Ukraine mar kale.

Ciidamada Ruushka waxay bilaabeen bartilmaameedsiga korantada ee Ukraine bishii Oktoobar ee la soo dhaafay isku day u muuqda in lagu niyad jabinayo dadka rayidka ah iyo ku qasabka Kyiv si ay uga wada xaajoodaan nabada iyo shuruudaha ay wadato Moscow.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in la bartilmaameedsaday goobo militari iyo warshadeed oo ku yaalla Ukraine iyo sidoo kale tas-hiilaadka tamarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.