Diblumaasiyiin Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ruushka uu ku yaboohay in uu ka caawiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.
Mid ka mid ah diblomaasiyiinta ayaa yiri, “Ruushka wuxuu diyaar u yahay inuu ciidanka Soomaaliya siiyo saadka milateri, si loo xoojiyo dagaalka dowladda ay kula jirto Al-Shabaab.”
Dublamaasiyiintu ma aysan qeexin noocyada agabka uu Ruushku u yaboohayo Soomaaliya, xilli Soomaalia uu saaran yahay cunaqabatayn dhanka hubka ah oo Qaramada Midoobay ay saartay muddo dheer.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyntan ku soo rogay 1992-kii ka dib markii ay dillaaceen dagaal sokeeye iyo rabshado kooxeed.
Cunaqabateynta ayaa qeyb ahaan la qaaday sanadkii 2013-kii si ciidamada amaanka Soomaaliya looga caawiyo la dagaalanka kooxaha argigixisada.
Dalabka Ruushka ayaa yimid saacado kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig melleteri oo ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalka Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose oo qiyaastii 110 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho.