Home Afsomali RW Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

RW Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxaa garoonka dayuuradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo Galmudug.

Booqashada Ra’isul Wasaaraha ayaa dib u dhacday Sabtidii sababo la xiriira qaraxii ka dhacay maalintaas isgoyska Ex-control Afgoye ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare xooggan.

Khayre ayaa lagu wadaa inuu dardar geliyo qorshaha Maamul dhisida iyo doorashada maamulka Galmudug oo haatan maraya heer gebogebo ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale waxuu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee deegaanka.

Previous articleRa’iisul Wasaare Khayre Oo Ballan Qaaday In Dowladdu Ay Si Buuxda u Daryeeleyso Dhaawacyada Weerarkii Argagaxiso Ee Ex-Kantarool Afgooye
Next articleXarunta Ahlu Suna oo siyaabo kala duwan u weerareen Ciidamada bolice ka iyo milatariga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.