Home Afsomali R/W Khayre oo Amaanay dadaalka aan kala joogsiga la heyn ee uu...

R/W Khayre oo Amaanay dadaalka aan kala joogsiga la heyn ee uu dalka ka wado Safiirka Djibouti Ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Amb. Aden Hassan Aden.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Danjire Aden Hassan Aden ayaa ka wada hadly xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, ka faa’iidaysiga fursadaha waawayn ee golabalka geeska Afrika, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa  uga mahadcelinayay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen oo ay uga qayb qaateen dib u dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka xilligii adduunyada inteeda kale ay u arkayeen in Soomaalidu aysan lahayn reja kale oo dawladnimo.

Danjire Aden Hassan Aden ayaa sheegay in shacabka iyo dawladda Djibooti ay waajib ku tahay is garab taagga iyo taageershada shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, isaga oo dhawaajiyay in Djibouti ay tahay Soomaaliya, sdioo kale Soomaaliya ay tahay Djibouti.

Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa leh xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.