Home Afsomali RW Kheyre oo Muqdisho ka dhoofay una Sodaalay Xarunta Umadaha Midoobe ee...

RW Kheyre oo Muqdisho ka dhoofay una Sodaalay Xarunta Umadaha Midoobe ee New York

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka oo ay kaga qeyb gali doonaan Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa  la filayaa inuu Khudbad dheer uu kaga hadlayo Xaalada dalka iyo Isbedeladii ka dhacay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona qaar ka mid ah madaxda ka soo qeyb galeysa shirka.

Wasiirka arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si hordhac kaga horeeya magaalada New York wafdiga Ra’iisul wasaaraha.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.