Home Afsomali VIDEO RW kheyre oo soo xirey shir ay ka maqan yihiin ururada...

VIDEO RW kheyre oo soo xirey shir ay ka maqan yihiin ururada haweenka qaranka iyo kuwa maamulada

Shirkaan oo ay horey u qaadaceen ururka haweenka qaranka iyo kuwa maamulada qaarkood ayaa wasaaradu wax jawaab ah ka bixin hase yeeshee Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa haweenka ugu baaqay in ay midoobaan

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya  XAsan Cali Khayre ayaa soo xiray shir-weynaha qaran ee haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho.

Ra’iisulwasaare Kahyre ayaa tilmaamay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin
qaranimada iyo dib-u-dhiska dalkeena.

“Dowlad ahaan waxaa naga go’an in aan xaqiijinno in haweenka la siiyo maqaamkooda si ay ugaaraan guulahooda. Marnaba iskama indha tiri karno doorka haweenka. Haddii maanta tirakoob la sameeyo, waxaan hubaa in ay haweenku ka badan yihiin 55%, sidaasi darteed waxaan u shaqeyneynaa in ay xuquuqdooda helaan” ayuu yiri ra’iisulwasaare Khayre oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka.

“Haweeney kasta oo halkaan fadhisa waa hoggamiye, marka laga soo billaabo guryahiina ilaa heer bulsho. Shaqsiyan waxaan ogahay doorka ay hooyadey ka qaadatay in aan noqdo maanta qofka aan ahay, waa macalinkeygii ugu horeeyay, waxay i bartay sidii aan u socon lahaa iyo sidaan u hadli lahaa. Cid aan hooyadey ku badallan karo ma jirto” ayuu raaciyay.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee haween diyaasbaro ah oo aan inta badan la socon xaalada Dhabta ah ee ma jirta dalka, siyaasiyiinta, mas’uuliyiin iyo haween bulshada dhexdeeda magac ku leh.

—DHAMMAAD—-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.