Home Afsomali RW Ku-xigeenka DF & wafdi uu horkacayo oo gaaray Lusaka+Ujeedka

RW Ku-xigeenka DF & wafdi uu horkacayo oo gaaray Lusaka+Ujeedka

Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Lusaka ee Caasimadda dalka Zambia.

Saalax Axmed Jaamac iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya barri shirka 22aad ee COMESA oo halkaas ka furmaya

COMESA oo ah suuqa guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa shirkiisa 22-aad ayaa waxaa ka qayb galaya madax ka kala socota Qaaradda Afrika.

Waxaa lagu lafa-guri doonaa is-dhexgalka dhaqaale iyo kor u qaadidda ganacsiga gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Lusaka ku soo dhoweeyey masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Zambia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.