Home Afsomali RW Rooble oo shaaciyay in la xirayo waddooyinka Muqdisho baaqna soo saaray

RW Rooble oo shaaciyay in la xirayo waddooyinka Muqdisho baaqna soo saaray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

Waxaa uu sheegay in waddooyinka Muqdisho la xiri doono laga bilaabo 10: 00 Fiidnimo ee Caawa ilaa 5:00 Galabnimo ee Maalinta Berito ah ,isla markaana Shacabka looga baahan yahay inay saacadaas dulqaataan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.