Home Afsomali RW Rooble oo Xalay Casheysiiyey  Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi

RW Rooble oo Xalay Casheysiiyey  Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa casho sharaf u sameeyay Xildhibaannada dhawaan la doortay ee Labada Aqal ee BJFS ku matalaya Gobollada Woqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matalaya Gobollada Waqooyi kula dardaarmay in waajibaadka culus ee la saaray u gutaan si ay ku jirto danta dalka iyo dadka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ay sameystaan kutlad ay ku midrysan yihiin maadaama lagu tashado, isla markaana ciddii ay dhankooda jiraan ku guuleysaneyso awooda dalka.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxuu Ra’iisul Wasaare Rooble shahaadooyin guddoonsiiyay xubnaha Guddiyada Doorashooyinka SEIT Somaliland, Heer Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Saraakiisha Amniga, taasoo ay ku muteysteen howshii hagar la’aaneed ee ay ka qabteen hirgelinta doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee BFS ku matalaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dowlad gobolleedyada ay ku dhiman yihiin Xildhibaanada harsan in ay si deg deg ah u soo gudbaan, si dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada looga baaqsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.