Home Afsomali RW Xamse oo Amar culus siiyay Wasaaradda Maaliyadda

RW Xamse oo Amar culus siiyay Wasaaradda Maaliyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi barre ayaa ku amray Wasaaradda  Maaliyadda in qeyb kamid ah lacagaha Gunada ah oo ay qaataan Xubnaha Golaha wasiirada iyo Shaqaalaha joogtada ah in laga jari si loo isticmaalayo howlaha dib u xureynta dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo diray Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray Wasaaradda in lacagaha Gunada ah oo ay qaataan Xubnaha Golaha wasiirada laga jaro 20%, sidaas oo kale Shaqaalaha joogtada ahna laga jaro 5%, iyada oo aan la shaacin cidda maamuleysa lacagtaas.

Ugu dambeyn Warqadda kaso baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu soo geba-gabeeyay in la rajeynayo Wasaaradda Maaliyadda in sida ugu dhaqsiyaha badan ay fuliso Amarka.

Xogaha kale ee Risaala heleyso ayaa sheegaya in qorshahaan uu kayimid dhinaca Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ra’iisul Wasaaraha oo fulinaya amarka Madaxweynaha uu amarkaasi siiyay Wasaaradda Maaliyadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.