Home Afsomali RW Xamse oo amray in Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

RW Xamse oo amray in Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen deg deg uga jawaabaan weerar ay geysteen Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaanno ka mid ah ay falal amni darro ah ka geysteen Al-Shabaab.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada ay Al-Shabaab ka geysteen weerarada.

Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah la bixin doonto dhibaatada ay geysteen Al-Shabaab, isla markaana gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay.

Amarkaan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay weeraro ka geysteen degaano kuyaalla xadka Gobolka Bakool & dowlad degaanka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.