Home Afsomali RW Xasan Cali Khayre Culumada Soomaaliyeed doorkoodii u gurmadka abaaraha oo suurtogeliyey...

RW Xasan Cali Khayre Culumada Soomaaliyeed doorkoodii u gurmadka abaaraha oo suurtogeliyey in Soomaalidu isku tashato

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Culumada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa doorka culumada ee dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii ku ammaanay culumada Soomaaliyeed doorkoodii u gurmadka abaaraha oo suurtogeliyey in Soomaalidu isku tashato oo suurtogeliyey in Soomaalidu ay soo ururiyaan lacago fara badan oo suurtogeliyey in dadka ay abaarahu heshay loogu gurmaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in culumada looga baahanyahay inay xoojiyaan doorkooda dib u dhiska dalka, waxuuna yiri “Culumada door weyn bey ku leedahay hoggaminta Bulshada dhan walba, waxaana idinkula dardaarmayaa inaad xoojisaan oo bulshada aad ka wacyigelisaan sidii dib u dhiska dalka looga wada qeybqaadan lahaa, sida soo celinta amniga, nabadeynta, dib u heshiisiinta, iyo in bulshada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo xoojiya midnimadooda, wax-wadaqabsigooda iyo illaalinta sharafta iyo karaamada qofka Soomaaliga ah.”

Culumada Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha uga mahadceliyey dhiirigelinta doorka culumada oo Guddiyada sida kan Abaaraha iyo kan Taakuleynta Ciidankaba ugu dareen.

Culumada ayaa u xaqiijisay Ra’iisul Wasaaraha inay diyaar u yihiin sidii ay door hoggaamineed uga qaadan lahaayeen Bulshada isla markaasna ay diyaar u yihiin in Dowlada ay ku toosiyaan dariiqa saxa ah, isla markaasna garab istaagaan marwalba si dalka loo gaarsiiyo horumar ballaaran oo dhan walba ah.

IMG 0733

IMG 0737

DHAMMAAD

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.